Hey’adaha xuquuqul insaanka ayaa dawlada soomaaliya ku dhaleeceeyey in ay dabooshey kiis gabar soomaali ah oo ay kufsadeen Askar Amisom ah,kuwaasoo loogu geeyey xerada maslax ee gobolka banaadir.
Dawlada soomaaliya ayaa kiiska gabadhan u magacawdey gudi ay gudoomiye ka tahey wasiirada adeega bulshada Maryan Qaasim Axmed taas oo kiiska iyadoon baaritaan ku sameyn sheegtey in uu been abuur ahaa warka xukuumada soo gaarey iyadoo raacdey rabitaanka saraakiisha Amisom.
Hey’adda humen rightes wach iyo amnest ayaa sheegey in kiiskaas kufsiga ah gabadhaas soomaaliyeed lagu sameeyey isla markaa hey’ad in ay caawiso isku deydana la dhibaateeyey oo loo hanjabey iyadoo cadeyn buuxda loo hayo kufsiga gabadhaas loo geystey.
Arintan ayaa waxey fadeexad ku tahey guud ahaan xukuumada gaar ahaan wasiirada Adeega bulshada Maryan Qaasim oo isu ekeysiisa gabar muslimad ah hase yeeshee ku sifawdey Shahaado zuur iyo in ay duudsiiso xuquuqda gabadha walaasheed ahey wasiirkana ay u aheyd.




