Madaxweyne Faroole oo gudi u magacaabey deegaano dhawaan duufaan dabeylo wadata ka dhaceen.

0
512

Madaxweynaha puntland C/raxmaan Faroole ayaa u magacaabey gudi Dabeylo iyo duufaan dhawaan ka dhacey meelo ka mid ah deegaanada puntland.

Gudigan ayaa waxey kormeeri doonaan meelihii ay dabeyluhu ku dhufteen si ay warbixin uga keenaan khasaaraha ay geysteen iyo kaalmada loo baahanyahey,waxaana ugu daran baa la yiri degmada eyl ee gobolka bari.

Gudigan ayaa ah kii ugu horeeyey ee uu magacaabo madaxweyne faroole tan iyo intii khal khalka siyaasadeed soo wajahey maamulka uu hurmuudka u yahey C/raxmaan shekh Maxamuud faroole,iyadoo rag kasoo horjeeda ay gudaha punland iyo dawladaba la joogaan sida Jaamac Cali Jaamac oo in mudo ah muqdisho ku sugan.