Khilaaf iyo isfahamwaa ayaa la sheegayaa in uu soo kala dhex galey madaxweynaha soomaaliya iyo r/wasaaraha saacid kaas oo la xiriira xilka uu hayo ra’iisalwasaaraha oo muddo hal sano ah.
Khilaafkan oo in muddo ah la qarinayey ayaa hadda soo shaacbaxey kadib markii r/wasare Saacid uu madaxweynaha u geeyey xukuumad uu soo dhisey hase yeeshee uu madaxweynuhu ku yiri xukuumad kaama sugeyn ee waxaan kaa sugayey iscasilaad taas oo uu aad uga xanaaqey r/wasare saacid laguna kala tagey.
Dadka soomaaliyeed iyo dalkuba uma baahna khilaaf ee waxaa loo baahanyahey in hore loo socdo weeye aragtida inta badan bulshada soomaaliyeed oo kasoo daashey muran iyo is qab qabsi aan danta guud ka turjumeyn,waana in la dhawro shuruucda dalka u degsan iyo xeerarka caalamiga ah.




