Madaxweynaha jamhuuriyada soomaaliya ayaa la kulmey madax ka kala socotey dalalka soomaaliya taageera,iyadoo uu wasiirka maaliyadu uu ka hadley gudomiyihii bankiga dhexe Nasro Abraar.
Dawladaha soomaaliya taageera ee ay maanta kulanka la yeeshey m/weyne Xasan sheekh ayaa waxaa kamid ah Mareykanka,norway,turkiga swiden,bankiga aduunka,bankiga horumarinta afrika iyo kuwo kale,iyagoo warbixin laga siiyey xisaabaadka dawlada oo dhan.
Maahan markii ugu horeysey ee ay dalalkan iyo bankiyada caalamka iyo kuwa afrika haseyeeshee kulankan ayaa kusoo beegmaya xili maalintii shaley lagu soo gabangabeeyey shirkii dib u heshiisiinta jubba,isla markaana ay jirto beelo iyo xildhibaano ka horyimid shirka jubbooyinka ay dawladu u qabatey.




