Shirkan oo ay ka qeyb galeen in ka badan lixdan xildhibaan ayaa lagaga soo horjeestey shirka dib u heshiisiinta dawladu u qabatey jubbooyinka,kaas oo lagu wado in lasoo gabangabeeyo maalinka berri ah.
Xildhibaanadan oo u badan digil iyo mirif oo uu kasoo jeedo gudoomiyaha barlamaanka prof. Jawaari ayaa waxey ka careysanyihiin maamulgoboleed loo diidey oo ay u bixiyeen maamul goboleedka koonfur galbeed soomaaliya,waxeyna doonayaan in ay isku daraan lix gobol oo sadex ka mid ah uu hadda ka dhisanyahey maamulgoboleedka Kmg ee jubba.
Waa markii ugu horeysey ee mucaarad intaan la’eg uu yeesho shirkan dib u heshiinta jubba loo bixiyey,iyadoo xildhibaanadu ku tilmaameen shir sharci darro ah,isla markaana ay dawladu sharci darro faraha kula jirto,hadii aysan ka waantoobina ay xukuumadu helidoonto waajibkeeda,waxeyna ku soo beegmeysaa xili xubnaha barlamaanku meelmariyeen sharciga maamul u sameynta gobolada dalka soomaaliya.




