Wasiiradda arrimaha debedda soomaaliya Fawsiya Xaaji Aadan oo dalka dib ugu soo laabatey.

0
491

Ra’iisal wasaare kuxigenka ahna wasiirada arrimaha debedda Fawsiya Xaaji Aadan ayaa maanta dalka dib ugu soo laabatey iyadoo shir soomaaliya looga hadlayo uga soo qeyb gashey Golaha ammaanka,waxeyna warbaahinta usheegtey in shirka ay soomaaliya uga soo qeybgashey uu guul kusoo dhamaadey.

R/w kuxigeenka ahna wasiirada arrimaha debedda ayaa intaas ku dartey in shirka looga hadley labo qodob oo kala ah in ciidamada soomaaliya la siiyo wixii ay u baahanyihiin lan tayeeyo iyo in ciidamada Amisom la soo kordhiyo tiradooda,si ay alshabaab uga guuleystaan.

Waa markii ugu horeysey ee loo ogolaado dal afrikaan dagaal sokeeye ka dhacey in ciidamadiisa la dhiso,waxeyna kusoo beegmeysaa iyadoo ciidamada Amisom dawladaha ay ka kala socdaan ay doonayaan in dal kasta uu ciidamadiisa soo kordhiyo,ciidamada soomaalidana cidiba isma weydiiso.