Shirkii dib u heshiinta jubooyinka oo mar kale dib u dhacey.

0
483

Shirkii dib u heshiisiinta jubooyinka oo dib u dhac kale soo wajahey waxaana lagu wadey in maanta uu furmo hase yeeshee waxaa la filayaa in uu shirku beri furmo.

Shirka ayaa waxaa lagu wadaa in uu ka furmo hottel jaziira waxaana la sheegayaa in ergooyinka qaarkood ay muqdisho soo gaariwaayeen,isla markaana sidaas uu dib ugu dhacey shirka dib u heshiisiinta jubooyinka.

Shirkan ayaa waxa uu daba socdaa shirkii dhawaan ka dhacey adisababa ayna kusoo heshiiyeen dawlada federalka iyo maamulka kmg ee jubba,waxeyna kusoo beegmayaa xilli uu madaxweynaha dawlada federalka soomaaliya prof. Xasan sheekh Maxamuud uu booqasho ku tagey kismaayo kulamana uu la soo yeeshey madaxda maamulka kmg iyo madaxda dhaqanka beelaha jubooyinka.