Maamulka Ximin Iyo Xeeb Ayaa Waxa Ay Sheegeen In Ay Fureen Ku Dhawaad 20-School Oo Ay Wax Ka Barandoonaan Caruurta Iyo Dadka Waa Weyn Iyadoona Ay Xuseen In Schooladaasi Loo Kala Qeybin Doono Deegaanada Ay Ka Koobantahay Halkaasi.
Xog’hayaha Maamulka Ximin Iyo Xeeb Oo Ka Hadlay Munaasabad Xaraga Looga Jarayay Ayaa Carbaabay In Ay Indhawaalahanba Dadaal Ugu Jirtay Maamulka Sidii Ay Xarumo Waxbarasho Ay Ka Furi Lahayeen Deeganada Ay Maamulaan Haatana Ay Ku Guuleysteen Isagoona Uu Sheegay In Ay Ka Faa’iideysan Doonaan Caruurta Iyo Dadka Kaloo Daneynayey Sidii Ay Wax U Baranlahaayeen.
Xarumahani Waxbarasho Oo Ay Soo Sheegeen Maamulka Ximin Iyo Xeyb In Ay Ka Hirgaliyeen Deegaano Dhowr Ah Ayaa Waxa Uu Ku Soo Beegmayaa Xilli Dhawaan Beel Ka Mid Ah Beelaha Reer Xaaji Suleymaan Oo Lagu Magacaabo Hawarraawe Ay Sheegeen Iney Ka Bexeen Kalsoonidiina Kala Laabteen Maamulka Haatan Ka Arimiya Iyagoo Ku Andacooday In Ay Waayeen Xubin Horey Loogu Sheegay In Ay Ku Leeyihiin Maamulka Ximin Iyo Xeeb Taasoo U Muuqato In Maamulkani Aan Loo Dhameen.




