Warkan kasoo baxey maamulka iyo shaqaalaha shabeelle ayaa waxaa lagu sheegey in idaacadda iyo tvga shabeelle warqadii ay usoo qoreen wasarada arimaha gudaha iyo amniga qaranka ay uga jawaabeen heshiis ay hore idaacadu ula gashey xukuumadii hore heshiiskaasna ay ka dhimantahey waqti badan.
Kadib markii aan geyney warqadii heshiiska ay shabeelle ku degantahey dhismaha dawlada ee ay hadda ku shaqeyso,ayaan hadana dacwad u aadney hey’adda garsoorka,waxaana dhacdey in maxkamada gobolku nagu tiri maxkamada sare ayaa leh dacwada dawlada isla markaa markii aan maxkamada sare tagney waxey iyaduna nagu tiri maya maxkamada gobolka ayaa leh dacwadiina,sidaas darteed waxaa noo cadaatey in maxkamaduhu aaney ogoleyn qaadista dacwadda shabeelle.
Sidaas darteed waxaan aduunka iyo bulshada soomaaliyeed u sheegeynaa in idaacadda iyo tvga shabeelle ay hore ula kulantey dilal iyo dhaawacyo isla markaana hanjabaaduhu ay joogto u yihiin,maantana aysan qaadaneyn ama ogolaan karin in inta ka hartey debeda lagu laayo,ayna diyaar u yihiin in dawlada iyo dadka ka danbeeya warqada idaacada la keeney ay ku dilaan gudaha dhismaha ay hadda degenyihiin oo ay ku shaqeeyaan si sharci ah mana ka guureyno in hal qof naga noolyahey baa lagu yiri war warbaahinta laga siidaayey.
Dawlada xiligan xilka heysa ayaa ah mid xaqiiqda iska indha tireysa,oo aan gudaney waajibaadka muwaadinka uu xaqa ugu leeyahey,waxaana jira in idaacada iyo tvga shabeelle si gaar ah xukuumada xiligan xilka heysaa u jeceshahey in ay aamusto Shabeelle,waana taas mida maanta dadka tuhun gelineysa in shaqaalihii iyo masuuliyiintii laga laayey shabeelle ay ku lugyeelan karto xukuumada maanta tiri hala laayo inta ka hartey dadkii ka shaqeynayey shabeelle.




