Ciidamo degenaa warshadda hilibka kismaayo oo bamb lagu tuurey.

0
549

Qarax bambaane ayaa waxaa lagu tuurey warshada hilibka kismaayo ciidamo degenaa oo ka tirsan ciidamada raskambooni ee Axmed madoobe maamulo.

Waxaana hawlgal ay sameeyeen ciidamada raskambooni lagu soo qab qabtey dad gaaraya 100 qof waxaana lagu soo waramayaa in la jir diley dad badan kuwaasoo cabashadooda kusoo bandhigey warbaahinta.

Ciidamada raskambooni ayaa markii ay wax ka dhacaan magaalada kismaayo dhexdeeda waxey sameeyaan hawlgal ay dadka kusoo qab qabtaan dabadeedna la xir xiro si loo kala saaro kan la tuhunsanyahey iyo kan la doonayo in la tuso awooda ciidamada maamulka jubba ee kumeelgaarka ah.

Maahan markii ugu horeysey ee bamb lagu tuuro meel ciidamo degenyihiin magaalada kismaayo,waxeyna ku soo beegmaysaa xili ay dhawaan heshiiyeen dawlada federalka ah iyo maamulka kmg ee juba,uuna hugaamiyo Axmed madoobe.