R/wasaare Saacid oo meesha ka saarey warar sheegayey in uu is casilayo.

0
502

Ra’iisal wasaaraha soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa meesha ka saarey warar leyla dhexmarayey oo sheegayey in uu is casilayo.

R/wasaare Saacid ayaa sida la sheegayo taageero ka heysta xildhibaanada barlamaanka soomaaliya iyo sidoo kale dawlada Turkiga oo saameyn ku leh dawlada soomaaliya iyagoo ka caawiya dhinacyo badan sida dib u dhiska dalka iyo kabista miizaaniyada dalka,waxaana soo ifbaxaya warar sheegaya in r/w saacid ay Turkiga si wanaagsan isu fahamsanyihiin.

Wararka ay heleyso wakaalada wararka warsom ayaa sheegaya in isfahamwaaga soo kala dhexgaley m/weyne Xasan Sheekh iyo R/wasare Saacid uu salka ku hayo khilaaf hore usoo kala dhexgaley labada marwo ee ay kala qabaan m/weynaha iyo r/wasaarah(mrw qamar iyo mrw casho iyadoo ay labada marwo ku kala fogaadeen mashruuc looga hortagayey kufsiga haweenka soomaaliyeed,laguna bixiyey lacag dhan 1.5 million dorlar.

Inta badan bulshada soomaaliyeed ayaa filayey isbedel xaga xukuumada ah iyo wasiirada oo la badiyo hase yeeshee warka r/wasaare saacid ayaa hadal heynta si kale u bedelaya in barlamaanka lagu kala baxo.