Odeygan diley afarta wiil ee uu dhaley ayaa waxa uu ka yimid dalka dibadiisa gaar ahaan dalka ingriiska waxuuna hal mar wada gawracey afar wiil oo uu dhaley.
Afarta wiil hooyadood oo magaalada muqdisho bukaan ahaan loo keeney ayaa sheegtey in aysan odeygan is qabin ayna wiilasha iyadu soo korsatey,iyadoo la hadleysey warbaahinta ayey tiri waxaan dawlada ka codsanayaa in aan la siideyn gacan ku dhiiglahaas wiilasheeda gawracey sharcigana la mariyo.
Falkan naxdinta leh ayaa ka dhacey magaalada b/weyne iyadoo odeyga gacan ku dhiiglaha ahi uu booliska isu soo dhiibey isagoo ku wargeliyey meesha ay meydadku yaaliin,waxeyna tani imaneysaa iyadoo inta badan falalka argagixisada ka dhaca geeska afrika ay mar walba fuliyaan dad heysta dhalashada dalalka ingriiska iyo mareykanka oo ay ugu danbeysey tii ka dhacdey westgate mall nairobi kenya.