Gudoomiyaha maamulka kmg ee jubaland Axmed Maxamed Islam Axmed madobe ayaa u magacaabey taliyaha ciidamada maamulka kmg ee jubba nin hore loogu eedeeyey in uu ku lug lahaa qaraxyo ka dhacey gudaha dalka kenya,ninkaas oo lagu magacaabo CIISE KAMBOONI kaas oo ay aad isugu dhawyihiin axmed madoobe.
Ciise kambooni ayaa waxaa hadda ka hor gacanta ku dhigey ciidamada ammaanka dalka kenya iyadoo markii danbe la soo daayey sida axmed madoobaba looga soo daayey ithiopia,lamana oga in dawladda federalku aqbaleyso magacaabista ciise kamboodi hadii la aqbalana waxey noqoneysaa in ay dawladaha ethiopia iyo kenya ay baawerka qeybsadeen kuna shaqeysanayaan maxaabiis ay iyagu soo boragaraamsadeen maskaxdoodana ku shaqeynaya.
Magacaabistan Ciise Kambooni ayaa kusoo beegmeysaa iyadoo ay ku gacanseyreen odayaasha dhaqanka kaambooniyiinta kismaayo gacanta ku haya shir la filayey in uu ka dhaco muqdisho iyadoon la ogeyn waxa loo sababeynayo diidmada ka timid odayaasha dhaqanka ay ku abtirsadaan ciidamada gacanta ku haya kismaayo.