Howlgalkaani Caawa Iyo Xalay Ka Socda Xaafadaha Ay Ka Koobantahay Degmada Shibis Ayaa Ah Kii Ugu Balaarnaa,Waxaana Isu Kaashanaya, AMISOM,NABAB SUGIDA,IYO Ciidamada BOOLISKA Soomaaliya.
Dadka Deegaanka Ayaa Warsom Waxa Ay U Xaqiijiyeen In Wadada Isku Xerta Nasiib-Buundo Iyo Isgoyska Maanaboliyo Ay Buux Dhaafiyeen Gaadiidka Dagaalka Iyo Ciidamada Amisom Oo Iyaga Kaabaya Kuwa Dowlada Soomaaliya Iyagoona Ciidamada Oo Lugeynaya Ay Gudaha U Galeen Xaafadaha.
Sidoo Kale Waxaa La Sheegayaa Xaafadaha In Laga Soo Bixinayay Dhalinyaro Farabadan Kuwaa Oo Indhaha Ka Xeran Laguna Daad Gureynayo Gaari Shabaqle Ah Ay Ciidamada U Isticmaalaan Dadka Ay Soo Qab Qabtaan, Iyadoona Ay Jiraan In Ciidamada Ay Gudaha U Galayeen Qaar Ka Mid Ah Guryaha Oo Ay Ka Baarayaan Hub,Iyo Waxyaabo Kale Oo Amaanka Wax U Dhimi Kara.
Degmada Shibis Ayaa Waxa Ay Ka Mid Tahay Degmooyinka G/Banaadir Waxaana Habeenkii Xalay Ahaa Howlgal Ciidamada Dowlada Ka Sameeyeen Ay Ku Soo Qab Qabteen Hub, Waxyaabaha Qarxa Iyo Rag La Sheegay In Maamulka Degmada Shibis Ay Ka Tirsan Yihiin Lana Shaqeyn Jirey Al-Shabaab.