Ciidamada Amaanka Doowalada Soomaalia Oo Isugu Jiray Nabad Sugidda,Booliska,Iyo Militeriga ayaa Saakay Waxa Ay baaritaano ka Sameyeen Xaafadaha Ay Ka Koobantahay Dagmada Shibis ee magaalada Muqdisho Iyagoona La Sheegay In laga helay Hub kii ugu badnaa oo iskugu jira Hoobiyaal,Banbooyin iyo Qoryahay fud fudud.
Sidoo Kale Wararka ayaa sheegaya in Hubka laga helay guri Uu Daganaa Masuul katirsan Maamulka Dagmada Shibis Waxaana la shegayaa in Ciidamada Nabad Sugida ay soo qabteen 7 ruux oo lala xariirinayo in ay kamid ahaayeen kooxaha Qal Qallka ka geysta Magalada Muqdisho Degmooyinka Ay Ka Koobantahay.
Degmada Shibis Ayaa La’aamin Sanyahay Dhowr Jeer Oo Hore In Ay Ka Dheceen Dilal Iyo Qaraxyo Loo Geestay Saraakiisha Nabad Sugida Iyo Masuuliyiinta Dowlada Waxaana Howlagalkaani Uu Imaanayaa Xilli Uu Jiray Shaki Ama Tuhun Ku Aadan In Maamulka Degmada Uu Xiriir La Leeyahay Shabaabka Haatanna Ay Dhacday In Ciidamada Nabad Sugida Ku Soo Xireen Seddax Ruux Oo Ka Mid Ah Maamulka Degmada Shibis oo qaar kood Hubka Guryahooda Laga Helay.