Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya Oo Howlgalo Lagu Soo Qabtay Hub Iyo Raggii Watay Ka Sameysay Qaar Ka Tirsan Degmooyinka G/Banaadir.

0
432

Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka ee Dowladda Soomaaliya ayaa Sheegtay In xalay la soo gaarsiiyay xoggo ka dhan ah, weeraro abaabulan oo maanta lagu waday inay ka dhacaan Magaalada Muqdisho Iyadoona Weeraradaani ay la rumeysanaa in laga soo maleygayay Degmooyinka Waaberi iyo Hawlwadaag.

Howlgallo Ay Habeenkii Xalay Ahaa Sameeyeen Ciidanka Hay’adda Nabad Suggida iyo Kuwa Booliska, ayaa waxay ka sameeyeen Degmada Waaberi, gaar ahaan Xaafadaha Via Laberia iyo 1-da Maajo Waxeyna Ciidamadaasi gacanta ku soo dhigeen rag badan, ka gadaal markii ay gudaha u galeen Dhismooyin gaar ah oo Xaafadahaasi Ah Waxaana La Sheegay In Ciidamadaani Ay Wateen Gaadiidka gaarka ah Oo Ay Ku daad gureyeen Dadka Ay Soo Qabteen xilli laga xir xiray gacmaha iyo indhaha.

Geesta kale Ciidankani ayaa saakay waxay ku jarmaadeen guryo ku yaala Degmada Hawlwadaag, oo ay ka soo qab qabteen Rag lala xiriirinayo
Al-Shabaab Waxaana Raggaan la soo qab la aaminsan yahay inay qayb ka ahaayeen, weeraradii maanta lagu waday inay ka dhacaan Magaalada Muqdisho.