Sida Ay Sheegayaan Wararka ka imaanaya Gobolka Bari in dagaal u dhaxeeyay ciidamada daraawiishta Puntland iyo dagaalyahanada Xarakadda Al-Shabaab ku dhex maray buuraha Galgala, halkaasoo ay saldhigyo ku leeyihiin Dagaalyahano Ka Amar Qaadato Shabaabul Mujaahidiin.
Dagaalkaasi Ayaa Waxa Uu ka dhacay Aaga Sugure kadib markii ciidamada daraawiishta Puntland ay ka bilaabeen howl gal, iyadoo markii dambe uu iska hor imaad ku dhex maray iyaga iyo Shabaabka Dagaalyahano Ka Tirsan.
Illaa Iyo Waqtigaan Ma jirto Wax War Ah Oo Ka Soo Baxay Saraakiisha Al-Shabaab Iyo Kuwa Maamulka Puntland Kaasoo ku aadan dagaalka ka dhacay aaga Buuraha Galgala Ee Puntland.