Madaafiicda iyo qaraxyo is xig xiga ayaa laga maqley qaar kamid ah degmooyinka gobolka banaadir gaar ahaan degmada yaaqshiid iyo shibis,waxaana dad ku dhaqan degmooyinkaas ay u sheegeen wakaaladda wararka warsom in aysan aqoonin qasaaraha ka dhashey madaafiicda iyo qaraxyada lagu weerarey qaar kamid ah degmooyinka gobolka banaadir.
Cid ilaa hada sheegatey ma jirto qaraxyadan waxeyna imanayaan xili maanta loo yeerey gudoomiyaha gobolka banaadir maxamuud axmed nuur tarsan iyadoo wax laga weydiiyey qodobo la xiriira amniga.
Waxaana sidoo kale laga hadley hubka magaalada lagu dhexwato iyo goobaha hubka lagu gado oo lagu sheegey kuwo sharci darro ah lamana oga in xukuumaddu soo waddo dad leysin u heysto in ay hubka ka ganacsan karaan iyo in gebi ahaanba aan dalka gudihiisa hub lagaga ganacsan karin hubka oo laga waayo muqdisho waxey dhabar jab ku tahey xarakada alshabaab,hadiiba lagu guuleysto.