Shirkadda Hormuud Oo Ruux Macaamiisheeda Ka Mid Ah Dil Ugu Geesatay Gudaha Xarun Ay Ku Leedahay Xaafadda Sanca Ee D/Kaaraan.

0
491

Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa La Sheegay In maanta Waardiyayaasheeda Ay Dil Ugu Geesteen Ruux Shacab Ah Oo Ku Sugnaa Xarun Ay Ku Leedahay magaalada Muqdisho ka dib markii Uu Shirkadda tagay ninkaani la sheegay inuu ka mid ahaa macaamiisha, xarunta Sanca, waxaana markii uu tagay loo diiday sida la tilmaamay SIM CAARD uu lahaa.

Buuq Kadib ayaa Waxaa carooday Ninkii Doonayey Sim Card,ka Kadibna waxa Uu doontay Hub, waxaana uu la yimid AK-47, iyadoona durba uu halkaasi is soo taagay nin kale oo Ilaalada hormuud ka mid ahaa iyadoona dood ka dib la dilay macaamiilkii Hormuud Telecom Ka Tirsanaa Intaasi Ka Dibna Waxaa Goobta Soo Gaaray Ciidamada dowldda Soomaaliya waxay soo qabteen gacan ku Dhiiglihii Dilka Geestay iyadoona xabsi loo taxaabay.

Hormuud Telcom Oo Ah shirkad aad magac u leh,Kana Howlgasha Gudaha Dalka Soomaaliy Balse waxaa La Tilmaamaa In Ay sameeyaan Ama Ay Ku Dhaqmaan tacadiyo badan oo dhanka macaamiisheeda Mana Ahan Markii Ugu Horeysay Oo Ay Ciidamada Ilaalada Hormuud Fal Dil Ah Ay U Geestaan Dad Shacab Ah.