Howlgal Ay Ciidamada Dowladda Kenya, qaadeen Ayaa Maanta Ahaa hawlgalkii ugu xooganaa, oo ay ku doonayaan inay ku soo furtaan dadka lagu heysto Dhismaha ganacsiga ee Westgate Mall Magaalada Nairobi Ee Xarunta Dalkaasi Kenya.
Sidoo Kale Marba Marka Ka Dambeyso Ayaa Ciidamada Waxay ku sii siqaaya dabaqa afaraad, iyagoo markaasi garab ka helaaya Ciidan Ajnabi ah, oo gacan ka geysanaaya sidii lagu soo furan lahaa, dad laheystayaal ah oo halkaasi Ay Ku Heystaan Kooxihii Weerarka Ku Galay Xaruntaasi Iyadoona Ay Xoogaga gudaha Ugu jira Dhismaha Westgate, si weyn Isaga caabinayaan Ciidamada Dowladda Kenya iyo dhinacyada kale, ee ku taageeraaya hawlgalkaan.
Dhismaha Westgate Mall Ayaa qaraxyo waaweyn laga maqlay iyadoo qaraxyadaan lagu sheegay noociisii ugu xooganaa ee halkaasi ka dhaco Waxayna Qaraxyadaan oo ka dhacay dabaqa afaraad ee Dhismaha Westgate, Ay qayb ka Yihin qorshaha ay Xoogagaan ku caabinayaan Ciidamada soo hujuumay.




