madaxweynaha soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga washiton DC ayaa kulan la qaatey jaaliyadda soomaalida ee dalka mareykanka ku nool,isagoo m/weynuhu warbixin kasiiyey xaalada dalka soomaaliya sheegeyna in hada rajadoodu ay aad u sareyso maadaama buu yiri ay aduunyadu hada noo soo jeesatey iyadoo dhanka kalena soomaalida laga doonayo in ay danahooda iyo dalkooda dhistaan cidna aysan isku haleyn.
Jaaliyadda la kulantey m/weynaha ayaa waxaa kamid ahaa Axmed Maxamed cali Shandille oo madaxweynaha gaarsiiyey cabasho la xiriirta Dhul ay ku leeyihiin KM4 oo muddo dheer xoog iyo boob sharcidarro ah loo dhistey dhulkii iyo jidadkii uu booskeenu lahaa isagoo axmed shandille m/weynaha gacanta ka geliyey dukumintiga dhulkaas iyo naqshadii uu lahaaba,markii m/weyne xasan sheekh uu arkey milkiyada uu wato Axmed Shandille uu aad ula yaabey in dadka milkiyadan wata ay xaqooda waayaan dad aan wax sharci ah heysanina ay iska heystaana wax la aqbali karo aysan aheyn waxeyna muwaadinka iyo m/weynuhu ku balameen in muqdisho ay markale ku kulmaan.
Sidoo kale waxaa su’aallo iyo jawaabo is dhaafsadey m/weynaha iyo qaar kamid ah jaaliyada soomaaliyeed ee ku nool dalka mareykanka,iyadoo la filayo in m/weynuhu dalka kusoo laabto wiigan ama kan xiga ayey waxey kusoo beegmeysaa xilli gudoomiyaha barlamaanka Maxamed Sh Cismaan Jawaari uu ogolaadey maamul goboleed la sheegey in lagaga dhawaaqayo Baydhabo.




