Shirkii Maamul U Sameynta Baay Oo Lagu Soo Afmeeray Baydhabo Iyo Prof.Jawaari Oo Taageeray .

0
461

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay Ayaa Maanta Waxa lagu soo gaba gabeeyay, shir muddo afar maalmood ah uga soconaayay dadka ku nasab-sheegta beelaha Digil iyo Mirifle Ee Ku Sugan Halkaasi.

Sidoo Kale Shirkaani oo Arbacadii ka furmay Magaalada Baydhabo, ayaa waxaa ka qaybgalay Gudoomiyaha Baarlamaanka Federalka ahna Ku Simaha Madaxweynaha Soomaaliya iyo wefdi uu hogaaminaayay, oo maalmahaanba booqasho ku joogay Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Baay.

Bayaanka laga soo saaray shirkaan, oo ay goobjoog ka ahaayeen Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wefdigiisa, ayaa qoddobada laga soo saaray waxaa kamid ah, in si deg deg lagu sameeyo Maamulka Gobolada Koonfurta, oo leesku oran doono Gobolada Shabeellaha Hoose, Bakool, Baay, Gedo, Jubbada Dhexe iyo weliba Jubbada Hoose Lana Dadajiyo.