Max’ed Sh.Cusmaan Jawaari Oo Ah Afahayeeka Baarlamaanka Haatanna Ah Ku Simaha Madaxweyne Xasan Sheekh Ayaa Waxaa Uu Amaan U Soo Jeediyey Ciidamada Qalabka Sida Ee Soomaaliyeed Iyo Kuwa Amisom Sida Dhiiran Oo Ay Gacanta Al,Shabaab Kagala Wareegeen Degmada Mahadaay Iyadoo Aan Wax Dhiig Ah Ku Daadan.
Afahayeenka Baarlamaanka Soomaaliya Ayaa Sidoo Kale Xusay Howlgalada Ay Isu Kaashanayaan Ciidamada Dowlada Iyo Kuwa Amisom Taasoo Ay Ku Baacsanayaan Waxa Uu Ku Sheegay Haraadiga Shabaab Oo Uu Tilmaamey In Dowlada Ay Ku Howlantahay Sida Ay Ula Wareegi Leheed Dhamaan Goobaha Fara Ku Tiriska Ah Oo Haatan Ay Maamulaan Al,Shabaab.
Hadalkaani Ka Soo Yeeray Gudoomiyaha Baarlamaanka Taasoo Ku Aadan Hambalyada Ciidamada Qalabka Sida Iyo Kuwa Amisom U Jeediyey Ayaa Imaanaya Xilli Ciidamada Qalabka Sida Ee Dowlada Soomaaliya Iyo Kuwa Amisom Maalin Ka Hor Ay La Wareegeen Guud Ahaan Gacan Ku Haynta Degmada Mahadaay Ee Gobolka Shabelaha Dhexe.




