Omar Hammami oo ah nin u dhashay dalka Mareykanka oo ka tirsan maleeshiyada Al-Shabab ayaa sheegay in uusan ka mid ahayn ururrada Al-Shabaab iyo Al-Qaacidda, inkastoo uu weli isku heysto in uu yahay nin argagixiso ah.
Laanta af-Soomaaliga ee VOA ayaa sheegtay in ay wareysi la yeelatay Cumar Hammami oo ku dhuumaaleysanaya keymo ku yaalla gobolladada Baay iyo Bakool.
Omar Hammami oo sidoo kale loo yaqaan Abuu Mansuur Al-Amriiki ayaa sheegay in uu xiriirkii u jaray hoggaamiyaha Al-Shabaab, Mukhtaar Abu Subeyr, oo uu sheegay inuu naftiisa kala baqayo.
Hammami, oo ka soo jeeda gobolka Alabama ee dalka Mareykanka ayaa dalka Soomaaliya tagay sanadkii 2006, markaas oo uu ku biiray maleeshiyada Al-Shabaab.
Dowladda Maraykanka ayaa horay u dul dhigtay 5 milyan oo doollar qofkii soo sheega xog horseedaysa in lagu soo qabto Cumar Hammami.
Ninkan ayaa waxaa loo haystaa dacwado ay ka mid yihiin inuu taageero urur argagixiso.




