R/wazaare saacid oo uu weheliyo ergeyga qaramada midoobey u qaabilsan xuquuqul insaanka soomaaliya ayaa maanta la kulmey gudiyada xuquuqda insaanka soomaaliya.
R/wazaare saacid oo warbaahinta la hadley kadib kulanku markuu soo dhamaadey ayaa sheegey in ay dajiyeen roud map xuquuqda insaanka soomaaliya lagu dhawrayo oo si siman oo shan beel ah looga qeyqaadanayo laguna amaaney taas,isagoo sheegey in wadadaas lagu soconayo ilaa iyo sanadka 2015ta,isla markaana 27ka Agoust loo aqoonsadey maalinta xuquuqul insaanka soomaaliya.
Hadalkan r/wasaaraha ayaa kusoo beegmaya iyadoo muran dhaliyey in gudi wasiira ah loo saarey gabar ay kufsadeen ciidamada Amisom ee ku sugan xerada maslax ee waqooyiga muqdisho ayna dafireen ciidamada Amisom aysan wali wax wara soo saarin gudigaasi,isla markaa soomaaliya kuma jirto dawladaha saxiixey heshiiska xuquuqda ee (chineva convention).




