M/weyne Xasan Sheekh oo wareegto ku magacaabey gudiga sare ee ammaanka qaranka soomaaliya.

0
590

Gudigan amniga qaranka soomaaliya oo uu m/weyne xasan shekh maxamuud maanta wareeto ku magacaabey ayaa sida uu sheegey afhayeenka ahna la taliyaha madaxweynaha ing. Maxamed cumar cismaan yiriisaw ayaa waxa ay ka koobanyihiin dhawr xubnood.

Gudigaan amniga ayaa waxaa gudoominaya madaxweynaha waxaana xubno ka ah 1 R/wasare Saacid 2 wasirka gashandhiga 3 wasirka arrimaha gudaha,4 wasirka maaliyada,5 wasirka cadaalada wuxuuna gudigani u muuqdaa mid aan ku saleysneyn wax qeybsiga shanta beel ee soomaalidu wax ku qeybsato.

Gudigan ayaa sidoo kale waxaa xubno farsamo lagu sheegey taliyeyaasha ciidamada sida taliyaha ciidamada xooga,taliyaha ciidanka booliska,taliyaha ciidanka nabadsugida iyo taliyaha ciidanka asluubta,waxa uuna gudigan cusubi kusoo beegmayaa xili qeylada ugu ba’ni ay ka jirto xaga amaanka soomaaliya xadgudubyo xaga sugida amaankana dad badan wax loogu geysto gaar ahaan muqdisho.