Shir jaraa’id uu Maanta ku qabtay magaalada Xamar wasiir ku xigeenka wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Amniga qaranka Jaamac Axmed Maxamed ayaa ka hadlay arrimo badan oo dhanka amaanka ah.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda Arrimaha gudaha Dowladda Somalia Jaamac Axmed ayaa ka codsaday shacabka Somaliyeed inay kala shaqeeyaan Hay’adaha Amaanka sidii loo adkeen lahaa amaanka islamarkaasna ay ugu qeyb qaadan lahaayeen xasilinta iyo deganaanshaha magaalada Xamar iyo guud ahan dalka.
Dhawaanahan ayaa waxaa kusoo badanayay amaan darro baahsan dalka gaar ahaan magalada Xamar iyadoo maanta Xarunta Madaxtooyada lagu dillay askari ka tirsan ciidamada dowladda Somalia.
Si kastaba lama oga sida uu u dhaqan gali lahaa hadalka Wasiir ku xigeenka uu ugu codsaday shacabka Somaliyeed inay kala shaqeeyaan amaanka xilli si weyn loo dhaleeceenayo howlaha ciidadama Amaaanka.




