Iskuulka Tababarka iyo Farsamooyinka oo Xamar laga furay iyo Madaxweynaha oo ka qeyb galay Munaasabaddii lagu furayay.

0
498

Iskuulka tababarka iyo farsamooyinka soomaaliya oo uu mudo socoday qorshiha lagu dhisayay ayna si wada jir ah isaga gaashadeen midowga Africa iyo dowlada Denmark ayaa waxaa maanta munaasabad xariga looga jarayey islamarkaana ay AMISOM ugu wareejinaysay dowlada soomaliya lagu qabtay xarunta iskuulkaasi waxaana ka soo qeyb galay madaxweynaha jamhuuriyada soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ergayga gaarka ah ee midowga Africa arrimaha soomaaliya,wasiir ku xigeenka wasaarada adeega bulshada, gudoomiyaha degmada wadajir, saraakiil ka socotay ciidamada AMISOM shacabka degmada wadajir iyo marti sharaf kale.

Ugu horeyn waxaa ka hadlay furitaanka munaasabada ay AMISOM dowlada soomaaliya ugu wareejineysay iskuulka tababarka iyo farsamooyinka oo ay midowga Africa ka hirgaliyeen degmada wadajir gudoomiyaha degmadaasi Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci) waxa uuna farxad ku tilmaamay in mudo dheer oo uu qaatay dhismaha machadka kadib lagu guuleystay,isagoo sheegay in dhismaha iskuulka uu socday in ka badan sedax sano,maamulka degmada iyo dadka deegaankana ay bixiyeen dhulka iskuulka laga dhisay.

Wakiilka gaarka ah ee midowga Africa u qaabilsan arrimaha soomaaliya Maxamed Saalax Al-nadiif ayaa tilmaamay in AMISOM shaqadooda aysan aheyn sugida amniga oo kaliya balse dadka soomaaliyeed ay ka gacan siinayaan dhinacyada caafimaadka, waxbarashada iyo adeegyada kale ee bulshada aas aasiga u ah,

Wasiir kuxigeenka wasaarada adeega bulshada Maxamuud Macalin Yaxye ayaa carabka ku adkeeyay in baahyi badan oo dhinaca farsamada ah uu dabooli doono machadkan,isagoo sheegay in dad badan ay ka faa’ideeysan doonaan.

Madaxweynaha oo munaasabadda ka hadlay ayaa yiri “Waxbarashadu waa aasaaska horumarka bulsho walba, carruurta Soomaaliyeedna waxey xaq u leeyihiin inay helaan waxbarasho tayeysan si ay u helaan mustaqbal iftiimaya. Waxbarashadu waa iftiin, rajo, iyo mustaqbal wanaagsan. Carruurteenna waa mustaqbalkii hoggaamiyeyaasha dalka.”

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa yiri “ Maanta waxaan rabnaa in dalka loo helo mashaariic fara badan oo dib loogu dhisayo dalka, sida mashaariicda waxbarasho, caafimaad, adeegyada bulshada iyo mashaariic shaqo loogu abuurayo dhalinyarada Soomaaliyeed. Dhowaan waxaan Brussels la tagi doonaa Compat ay ku dhanyihiin mashaariicdii dalkan oo dhan dib loogu dhisi lahaa, si dalku horumar u gaaro.”

Dowladdu waxey ahmiyad gaar ah siisey waxbarashada oo muhiim u ah dalka Soomaaliya oo dib u soo kabanaya, oo carruurta intooda badan aysan helin fursad waxbarasho, waana sababta ay dowladu u leedahay hami ah in hal milyan oo carruur ah ay helaan waxbarasho.

Ugu danbeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa xariga ka jaray Iskuulkan laga furay Jazeera oo ay carruur Soomaaliyeed ka heli doonaan waxbarasho tayeysan.