Hugaamiyaha qunyar socodka ah ee gacanta ugu jira dawlada federalka ah Sh.Xasan Daahir Aweys ayaa lagu soo waramayaa in xaaladiisa leyska afgartey,iyadoo la sheegayo in caawa ay kulan la leeyihiin odayaal kamid ah beesha uu ka soo jeedo,wasiirka arrimaha gudaha taliyaha nabadsugida qaranka iyo madax kale.
Kulanka ayaa waxa uu ka socdaa guriga general muungaab,iyadoo ay tahey markii ugu horeysey oo sheekha laga soo saaro meeshi lagu xirey markii uu gacanta usoo galey dawlada federalka soomaaliya,taas oo u muuqata in is faham jiro.
Hore ayaa waxaa mudo shan iyo toban cisho ka qaatey odayaasha uu kasoo jeedo sh.xasan daahir aweys odayaasha mudulood iyagoo odayaasha mudulood u kala dab qaadaya beesha uu kasoo jeedo sh/xasan daahir aweys iyo dawlada federalka soomaaliya oo hada gacanta ku heysa hugaamiye sh xasan daahir aweys.




