Waxaa maanta duhurnimadii ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose qarax xoogan oo qasaaro gaystay uu ka dhacay magaaladaas.
Qaraxaaan ayaa ka dhacay Xaafadda Farjanno ee Kismaayo waxaana la sheegay in lala eegtay Mid kamid ah Salaadiinta kaasi oo lagu magacaabayay Suldaan C/qaadir Xaaji Axmed oo kamid Odayaashii Doortay Hogamiyaha Jabhadda Raskambooni oo u doortay inuu noqdo Madaxweynaha Maamulka Jubbaland.
Suldaan C/qaadir Xaaji Axmed ayaa la sheegay inuu ku geeriyooday qaraxaas halka darawalka ku waday gaariga uu dhaawac culus kasoo gaaray qaraxaas.
Ilaa haatan ma cadda in qaraxaas uu ahaa mid gaariga loogu xiray iyo inuu ahaa mid wadada lagu aasay.
Waa Odaygii ugu horeeyay odayaal doortay Axmed Madoobe oo lagu dillo magaalada Kismaayo.




