Qarax ka dhacay Suuqa bakaaraha iyo Ganacsade caan ah oo ku dhaawacmay.

0
531

Members of the public and firefighters move the shell of a damaged vehicle after an explosion near the main market in Somalia's capital MogadishuWararka ka imaanayo Suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Xamar ayaa sheegaya in maanta barqanimadii uu qarax xoogan uu ka dhacay halkaas.
Qaraxaan ayaa la sheegay in lala eegtay ganacsade caan ah kaasi oo qasaaro dhaliyay.
Dad goob joogayaal ayaa sheegay in uu qaraxaan ka dhacay agagaarka xarunta shirkadda xawaaladda Dahab Shiil waxaana la sheegay in lala eegtay Ganacsade Xuseen Goley oo horey u lahaa shirkadda Xawaaladda Hodan Global oo markii dambe la midoowday shirkaddii bur burtay ee Qaran Express.
Qaraxaan ayaa la sheegay inuu gaystay qasaaro saddex qof iyo Ganacsadahaan kuwaasi oo haatan lagu daweenayo isbitaalka Madiina.

Xuseeen Golley ahaa ahaa Milkiilihii shirkaddii Xawaaladda Hodan Global Money Transfer oo Sanadkii 20087 ku milmatay Xawaaladdii Kacday ee Qaran Express.