Maamulka la magac baxay Somaliland ayaa maanta sheegtay in aysan ka qeyb galaynin shirka lagu wado in bisha soo aadan September uu ka dhaco magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium-ka.
Midowga yurub ayaa sheegay inay qaban doonaan shir looga hadlayo arrimaha Somalia kaas oo diiradda lagu saarayo sidii dhaqaale looga arruurin lahaa dalka ku yaallo geeska Afrika ee Somalia.
Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yooonis oo maanta u waramaya warbaahinta ayaa sheegay in maamulkiisa aysan ka qeybgalaynin shirka ka dhacaya Beljimka kaas oo dhaqaale loogu arruurinayo dalka Somalia.
Dhawaan ayay ahayd markii maamul goboleedka Puntland uu sheegay inuusan ka qeyb galaynin shirka ka dhacaya Brussels ee dhaqaalaha loogu arruurinayo Somalia.




