0
462

Askartaani ayaa waxaa galabta lagu dilay
Suuqa weyn ee Bakaaraha, kadib
markii ay si gaadmo Ah u
toogteen niman dhalinyaro ah,
oo la sheegay inay bistoolado ku
hubeysnaayeen.

Labadaani Askari ayaa wuxuu
dilkoodu uu gaar ahaan ka
dhacay Suuqa Dahabka, iyadoo
mid kamid ah uu ka tirsan yahay
Ciidamada Minishiibiyada ee
cansuuraha qaada, halka midka
kalana uu xirnaa dareyska
Ciidamada Militariga Waxaana Askariga xiran dareyska
Militariga ayaa wuxuu
ilaalinaayay askariga kale, xilli la
sheegay inuu ku hawlanaa
qaadista lacagaha canshuuraha.

Kooxihii dilka geystay ayaa waxay
isaga baxsadeen goobtaasi, oo
ay soo gaareen Ciidan kaloo ka
tirsan Dowladda, waxayna
iminka ka wadaan hawlgalo Waxeyna Ciidamada Dowladda xireen
Wadooyinka gala Suuqa Dahabka,
waxayna ka baadi goobayaan
dambiile-yaashii geystay dilka
labada askari
Sidoo kalena Ciidamada ayaa waxay
halkaasi ka qaadeen meydadka
labada askari iyo qori AK47 ah,
oo uu watay askarigii xirnaa
dareyska Militariga, oo
ilaalinaayay askariga ka tirsan
Minishiibiyada.

Maanta Barqanimadii ayay ahayd
markii Degmada Wadajir ee
Gobolka Banaadir lagu qaarajiyay
nin askari ah, ayna baxsadeen
rag bistoolado ku hubeysnaa oo
madaxa ka toogtay Askarigaasi.