Maxaad Ka taqaanaa Kooxda Monitor Group Maxayse yihiin.

0
756

Matthew_BrydenTan iyo markii dalka Somalia ay ka dhaceen dagaalada Sokeeye isla markaasna meesha ay ka baxday dowladdii dhexe ee dalka uu lahaa ayaa waxaa wadanka ka hana qaaday garabyo siyaasadeed oo ku halgamay hogaanka kuwaas oo dalka cagaha u galiyay inuu bur buro dalka noqdaana mid dowlad la’aan ah.
Sanadkii 1991,ayaa dalka Somalia si rasmi ah uu u noqday dowlad la’aan waxaana dalka uu lugaha la galay dagaallo iyo abaaro,waxaana meesha ka baxay nolosha aas aasiga bulshada iyadoo fowdada iyo nidaam la’aanta ay ku baahday dalka Somalia guud ahaan.
Dabayaaqadii Sanadkii 1992 waxaa dalka yimid ciidamadii ugu horeeyay ee ka socda Qaramada Midoobay kuwaas oo sheegay inay yihiin nabad kuwo u horseedaya Geeska Afrika.
Mudadii 22-ka sanno ay U.N-ka ay ku sugnaayeen Somalia ma jiro wax muuqda oo la taaban karo oo ay ka qabteen xaaladda Somalia waxaana gudaha dalka kusoo qul qulay hay’adaha kala duwan ee Qaramada Midoobay kuwaas oo sheegta inay wax ka qabanayaan xaaladda dalka iyo dadka Somaliyeed.
Dhawaanahan waxaa kusoo dhacayay dhagaha shacabka Somaliyeed iyo kuwa caalamka koox loogu magac daray Monitoring Group oo ah koox la sheegay inay la soconayaan hubka soo galaya dalalka Somalia iyo Eritrea laakin markii dambe la balaariyay iyagoo loo ogolaaday inay ka hadli karaan xaalad kasta oo ka taagan dalalkaas.
Kooxdan ayaa shaqeenayay sanado badan laakin waxaa si weyn ay u soo shaac baxday sanadkii 2012 markaas oo ay soo saareen warbixin ka kooban 400 bog oo ay kaga hadleen arrimaha Somalia iyo Eritrea iyagoo ku eedeyay Saddexdii Mas’uul ee dalka ugu sareysay dowladdii kmg ahayd ee uu Madaxweynaha ka ahaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed inay lunsadeen lacago badan oo dhan 130 milyan oo Dollar isla markaasna ay sheegeen in Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed,Guddoomiyihii Barlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Ra’iisul Wasaare C/wali Maxamed Cali Gaas halka ay jireen shaqsiyaad kale oo ka tirsanaa dowladda iyo kuwo kale oo ka madax banaan iyana lagu eedeyay inay hanti lunsadeen.
Hadaba Kooxdan la socodka Dalalka Somalia iyo Eritrea ee Qaramada Midoobay waxaa madax u ahaan jiray nin lagu magacaabo Matthew Bryden.

Waa Nin Nuucee ah Matthew Bryden.Matthew Bryden waa falanqeeye siyaasadeed oo u dhashay dalka Canada,sanadkii 1967-dii ayuu dhashay wuxuuna wax ka bartay Jamaacadda McGill Universaty sanadihii u dhaxeeyay 1985 ilaa 1988 wuxuu qabaa haweenay Somali ah oo kasoo jeedo gobolada Waqooyi Somalia (Somaliland)waxaana lagu magacaabaa Ubax Bryden oo magaca dambe ee Bryden waa dhaqan reer galabeed oo haweenayda loogu magac daro ninkeeda waxaana ay isku dhaleen saddex carruur ah oo labo ay willal yihiin halka midna ay tahay Gabar waxaana ay degan yihiin qoyskan magaalada Neyroobi ee dalka Kenya.
Ninkaan Matthew Bryden waxaaa uu kasoo shaqeeeyay hay’ado badan kuwaas oo arrimaha Afrika daneeya oo ay ku jiraan hay’ado UN-ka hoos taga kuwaas oo uu kasoo shaqeeyay sanadihii dambe isagoo sanadkii 2008 loo magacaabay xiriiriyaha kooxda la socodka arrimaha Somalia iyo Eritrea laakin sanadkii 2012 ayuu iska casilay jagadaas kadib cabasho isaga ka dhan ah ay gaartay Qaramada midoobay isagoo qoray warbixino badan oo ku saabsan dalka ku yaallo geeska Afrika ee Somalia waxaana la ogaaday inuu haysto Basaboorka aan lagu safri Karin ee Somaliland oo maamulka Somaliland uu siiyay maadaama gabadha uu qabo ay kasoo jeedo gobolada Somaliland islamarkaasna ku beer laxawsaday maamulka la magac baxay Somaliland inuu aqoonsi heer caalami ah uu u keenayo.
Matthew Bryden wuxuu ahaa sargaal ka tirsan ciidamada keydka dalka Canada, wuxuuna bilaabay inuu ka shaqeeyo dalka Somalia sanadkii 1990-kii isagoo u shaqeenayay qaramada midoobay kadibna wuxuu u shaqeeeyay NGO-da wuxuu kaloo ka shaqeeyay ama uu noqday xiriiriyaha hay’adda dhaqaatiirta aan xaduudka lahayn.
Matthew Bryden ayaa u shaqeenayay Hay’adda Horumarinta Qaramada Midoobay ee UNDP gaar ahaan waaxda barnaamijyada deg dega ah markaasna wuxuu ugu shaqeenayay dalka Ethiopia wuxuuna qoray dhowr warbixinno ah oo ku saabsan xaaladda magaalada Muqdisho ay markaas maraysay iyo guud ahaan Geeska Afrika wuxuu kaloo warbinno ka qoraya Deegaanada ay degaan qowmiyadda cafarta ee dalka Ethiopia iyo maamuladii boqortooyo ee soo xukumay Geeska Afrika dalalka ku yaallo.
Sanadihii u dhaxeeyay 1992 ilaa 1993 wuxuu ahaa la taliyaha gaarka ah Safiirka Canada u joogay Somalia wuxuna warbixinno ka qoray dagaaladii Somalia ku dhexmaray ciidamadii ka socday qaramada midoobay iyo Taageerayashii Generaal Maxamed Faarax Caydiid gaar ahaan wuxuu warbixin ka diyaariyay dagaalki dhacay 5-ta bisha June sanadkii 1993 oo dhexmaray Qaramada Midoobay iyo Taagerayashii Generaal Caydiid waxaana looga dillay Qaramada Midoobay 24 ka ciidan oo ka socday dalka Pakistan isla markaasna lagu dhaawacay 57 kale taas oo markii dambe maraykanka uu sheegay inuu bartil maameedsanaayo caydiid meel kasta oo uu ku sugan yahay wuxuuna Matthew Bryden u arkay qorshaha lagu doonayay in lagu soo qabto General Caydiid inuu ahaa mid qaldan oo nasiib darro ku ah qaramada midoobay inay rabshado ka abuuraan wadooyinka magaalada Muqdisho.
Sanadkii 2004 ayuu Matthew Bryden noqday falanqeeye sare oo ka tirsan hay’adda xasaradaha adduunka (ICG)waana hay’ad aan dowli ahayn taas oo sheegta inay ka hadasho dalalka dhibaatada ka taagan yihiin iyo sida looga hortagi karo wuxuuna Matthew Bryden ahaa agaasimaha mashruucyada ICG ee Geeska Afrika wuxuuna jagadaas haayay ilaa sanadkii 2006.
Matthew Bryden ayaa intii u dhaxaysay sanadihii 2006 ilaa 2007 ahaa La taliyaha arrimaha Somalia ee Hay’adda Maraykanka USAID isla markaasna la shaqeenayay safaaradda Maraykanka ku leeyahay Neirobi oo uu kala talin jiray Geeska Afrika.
Madaxweynihii hore dalka Somali Sharif Sheekh Axmed ayaa qudbad uu jeediyay 18-kii bisha July sanadkii 2012 ku eedeyay Matthew Bryden inuu yahay nin ka shaqeenaya sidii dalka Somalia loo kala qeybin lahaa islamarkaasna uu yahay qof ku sifoobay inuu curyaamiyo dib u soo celinta nabadda dalka Somalia.
Warbixin Dukumiinti ah oo ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu xaqiijiyay 21-kii August sanadkii 2012 in Matthew Bryden laga qaaday xilka xiriiriyaha kooxda la socodka arrimaha Somalia iyo Eritrea ee Qaramada Midoobay kadib cabashooyin ka dhan ah oo qaramada midoobay soo gaaray.
Golaha amaanka qaramada midoobay,midowga afrika,ururka jaamacadda carabta iyo bulshada caalamka ay xaqiijiyeen in qaranimada dalka Somalia ay tahay mid muqadas ah oo lama taabtaan ah islamarkaasna Matthew Bryden uu noqday nin isku dayay inuu gobolada waqooy galbeed Somalia(Somaliland) ka gooyo Somalia inteeda kale.
Matthew Bryden kama dhigin wax sir ah inuu taageero Somaliland inay ka go’do dalka Somalia oo ay hesho aqoonsi caalami ah,isagoo ku cadeeyay warbinno uu qoray markii uu ahaa agaasimaha Barnaamijyada Afrika ee Hay’adda ICG
Lasoco qeybo kale oo ku saabsan kooxda Monitoring Group ee Qaramada Midobay.