Rag Biskoolado Ku Hubeysned Oo Gudomiye Waaxed Caawa Ku Dilay Degmada Wardhiigley.

0
567

Kooxo Hubeysani Ayaa Dil qorsheysan waxa Ay habeenkii labaad ka Geysteen
Barxada Degmada Wardhiigley ee
Gobolka Banaadir, oo dacalka ku
heysa Aqalka Madaxtooyada ee
Villa Somalia Halkaasoo Ay Ku Yaaliin Saldhigyo Ciidan Oo Farabadan.

Aweys Madaxey Oo Ahaa Gudoomiyaha Waaxda 5-aad ee
Degmada Wardhiigley ayaa waxay rag
bistoolado ku hubeysan Fiidnimaddii Caawa ay ku
qaarajiyeen Barxada Degmada
Wardhiigley.

Dilkaani Raggii geystay ayaa
waxay Gudoomiyaha ka toogteen
xubnaha ugu muhiimsan ee
aadanaha isla-markaana dilka
Masuulkaan ayaa waxaa la soo
wariyay in si bilaa dareen leh, ay
u fuliyeen raggii Ku hubeysnaa Biskooladaha.

Kadib Falkaani Dilka Ah ayaa waxay sidii
caadada U ahayd Ragaasi isaga taggeen meeshii
ay ku dileen marxuumka, isla-
markaana waxay ka baxsadeen
gacanta Ciidamada Booliska ee
Dowladda, oo goobtaasi tagey Kadib dilka.

Habeynkii Xalay ayay ahayd markii nin
dhalinyaro ah isna lagu dilay
Barxada Wardhiigley, oo la wada
ogsoon yahay inaysan wax badan u jirin Villa Somalia, oo
ammaankeedu si weyn loo
Adkeeyo.