Sheekh Muqtaar C/raxmaan {Abu~Zubeyr} Amiirka Xarakatu,shabaab Al~Mujaahidiin ayaa wuxuu Page,ka Enternet,ka Ay Ku Leeyihiin soo saaray
fariin cod maqal ah, oo muddo
saacad ka badan soconeysa Isagoona
Amiirka dardaaran u
jeediyay Ciidamada Al Shabaab,
ee wada dagaalada ka dhanka
ah Ciidamada Dowladda iyo
Ciidamada Midowga Afrika Kaga Sugan Ciida Soomaaliya.
“Abu Zubeyr“ Waxaan halkaan dardaaran ugu soo gudbinayaa Mujaahidiinta
dardaarankaasi waa
arrin aan looga maarmin in
Jihaadku uu maqbuul noqdo,waa tiirar aan looga maarmin
isku duubmida safka
Mujaahidiinta, 3-na waxey inoogu kaalmeynayaan dagaalka
aan kula jirno cadowgeena,
waa sifaat iyo tilmaano ay tahay
qofka Mujaahidka ah inuu ku
tilmaanaado dagaalka lagula jiro
Saliibiyiinta.
Sidoo Kale Abuu Zubeyr ayaa wuxuu kaloo uu dagaalyahanada Shabaab ku
booriyay inay la socdaan, in
dagaalada ay kula jiraan gaalada, uu yahay dagaal
bilaa xuduud ah, guushuna ay
markasta taagan tahay dhinaca
Muslimiinta.
“Waxaa loo baahan yahay qofka
Mujaahidka ah inuu ogaado
dagaalka maanta aan gaalada
kula jirnaa inuu yahay dagaal aan
xuduud laheyn, oo bad iyo birri-
ba ah, cir iyo dhul ah, wadan gaar ah, wadan gaar ah aan ku ekeyn, asaaliibtiisuna aaney ku Ekeyn usluub ama hab gaar ah,
balse ay tahay hab waliba oo ay
ku imaan karto.” ayuu yiri Abuu
Zubeyr Oo La Hadlayey Dhamaan Umada Muslimiinta.
Sheekha Ayaa Dhanka kale soo
hadalqaaday khilaafaadka u
dhaxeeya Ururka Al Shabaab, oo
muddooyinkii dambe la hadalhaayay inuu khilaafaad
darani ka dhaxeeyo, ayna taasi
keentay inay dhexdooda is
ugaarsadaan Wuxuuna Abu Zubeyr
xusay in loo baahan
yahay in loo hogaansamo
amarada Amiirada, haddii aan
loo hogaansaminna uu imaan doono
khilaafaad Mujaahidiinta
dhexdooda ah, sida uu yiri Amiirka.
Sheekh Abu,Subeer ayaa wuxuu ku
booriyay Ciidamada Al Shabaab
inay u hogaansamaan amarada
hogaamiya-yaasha, si meesha
looga saaro suurta galnimada
khilaafaad soo kala dhex galay Dhexdooda.




