Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa
maanta kulan ay Muqdisho ku
yeesheen waxa ay su’aalo ku
weydiiyeen Wasiirka
Gaashaandhiga dalka Soomaaliya
Cabdi Xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi Iyadoona Uu
Kulanka shir
Guddoominaye Guddoomiyaha
Baarlamaanka Soomaaliya
Maxamed Sheekh Cusmaan
Jawaari Waxaana ujeedkoodu Uu ahaa
dhowr ajando oo ku saabsan
arimaha dalka Soomaaliya.
Mr.Fiqi Ayaa Maanta Su’aalaha ugu Badan la weydiiyay ku qotoma dagaalkii dhawaan ka dhacay
Gobalka Shabeelaha hoose,kaasi
oo udhaxeeyay labo beel oo
walaalo ah ciidanka Dowladda
Soomaaliyana ay ka qeyb qaateen
dagaalka Halkaasi Ka Socday.
Waziirka Gaashaan Dhigga Mudane Cabdi xakiin Fiqi ayaa sheegay in
ciidanka Dowladda Soomaaliya
ee Gobalka Shabeelaha hoose ay
jiraan qaar ka qeyb qaatay
dagaalkii dhawaan ka dhacay
Gobalkaasi Wasaarada Gaashaandhigana ay tallaabo
adag ka qaaday ciidankaasi
Waxaa sidoo kale Uu
gaashaanka udaruuray
beeniyayna inaysan jirin gabi
ahaanba kufsi ay geysteen
ciidanka Dowladda Soomaaliya Taasi Oo Ay Dhawaanba Lagu Eedeyey Ciidan Ka Tirsan Dowlada.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa
maalmahan xisaabtan kula jira
Wasaaradaha Xukuumadda
Soomaaliya gaar ahaan
Wasaarada Arimaha Gudaha Iyo Tan Gaashaandhiga Oo Maanta Su’aalaha Ay Weydiyeen.




