Degmada
Hiliwaa ee Gobalka Banaadir Ayaa Maanta Waxaa ka
dhacay qarax lagu weeraray
xarun timaha lagu jarto halkaasoo Uu Ku Geeriyooday Qofkii Tima Jarahaasi Lahaa Ayna ku dhaawacmeen Dhowr Ruux Oo Kale.
Arinkaani ayaa Waxa Uu ka dhacay suuqa
Degmada Hiliwaa ee Gobalka
Banaadir,waxaana Lagu Sheegay sababta loo
bartilmaameedsaday Tima jaraha In
ay tahay inuu raaci jiray ciidanka
Dowladda ee jooga halkaasi.
Dhowr Ruux Oo halinyaro ah ayaa la
sheegay in bam gacmeed ay ku
tuureen timajaraha maanta
barqadii taasi oo keentay inuu
geeriyooda ninkii milkiilaha ahaa
halka nin loo jarayeyna iyo ruux kale
oo ka agdhawaa goobta Uu dhaawac Ka Soo Gaaray.
Waxaa la sheegay in ruuxa
timajaraha ahaa ee maanta
geeriyooday goobta uu kala
shaqeyn jiray ruux kale oo isna
horay loo dilay,kaasi oo loo dilay
arimo la xiriira sababta uu
ciidanka Dowladda u raaci jiray,xilli dhowr mar Ahna digniin
dhanka taleefoonka Loogu Digay.
Ma Ahan Markii Ugu Horeysay Falalkaani Dilalka Iyo Qarxinta Ah Ee ka dhacaan Degmada
Hiliwaa Ee Magaalada Muqdisho.




