Qarax miino oo Barqanimadii Maanta Marka lagula beegsaday Amisom.

0
700

AmisomWararka naga soo gaaraya Magaalada Marka waxay sheegayaan in goor dhaw uu qarax miino ka dhacay Xaafada Buulo Jaan ee magaaladaasi.
Qaraxa waxa uu haleelay sida la sheegayo gaari Booyad ah ay wateen ciidamada Burundi ee kusugan magaalada Marka waxaana qaraxa kadib la arkayey rag hubeysan oo baasuukayaal la beegsanayey gaariga la qarxiyey.
Wararkii ugu dambeeyey ee nasoo gaaraya waxay sheegayaan in xaalad adag ay hadda ka jirto magaalada waxaana la arkayaa booyada la qarxiyey oo gubaneysa ciidamada burundina ay isku geedaameen.
Boqolaal katirsan Ciidamada Burundi ayaa lasoo sheegayaa in xaafadaha magaalada Marka lagu daadiyey iyagoo xanibay dhaq dhaqaaqii magaaladaas waxaana socda baaritaano ay wadaan Askarta Amisom.
Xaafada Buulo Jaan oo ku dhaw Cusbitaalka magaalada Marka ayaa waxa meesha qaraxa Booyada lala beegsaday udhaw xarun hay’ado Qaramada Midoobey ka deggan yihiin magaalada Marka.
Ilaa hadda khasaaro la og yahay ma jirto oo soo gaaray ciidamada Burundi ee qaraxa lala beegsaday laakiin waxa dadka deegaanka ay sheegeen in xaaladu ay wali kacsan tahay rasaasna la maqlayo.