Raysalwasaaraha dalka Turkiga Tayyib Erdogan ayaa weerarkii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee lala beegsaday xarunta ay degen yihiin shaqaalaha safaarada Turkiga ee Muqdisho ayaa sheegay in weerarkaasi geysteen dad sheeganaya inay yihiin Muslim.
Erdogan oo si toos ah khudbadiisa warbaahinta xalay looga siidaayey ayaa sheegay in Turkiga waxa kaliya oo ay dalka Soomaaliya u joogaan ay tahay inay caawiyaan Walaalahooda Muslimiinta ah, wuxuuna la yaab ku tilmaamay kooxaha sheeganaya muslimnimada ee burburka iyo dagaalka ku haya dadkooda iyo dowladooda.
Weerarkii shalay lagu qaaday xarunta ay degen yihiin shaqaalaha Turkiga ee ku taal nawaaxiga KM4 ayaa waxaa la sheegay inay ku dhinteen 3 qof oo uu ku jiro mid kamid ah illaalada Turkida ah ee xaruntaasi ku sugnaa.
Weerarkan ayaa loo adeegsaday Gaari waxyaabaha qarxa lasoo saaray kaasi oo la sheegay inuu ka faa’iideystay inuu irida xaruntaasi isku qarxiyo xili gaari kale oo ay Turkida leeyihiin irida laga furayey si uu halkaasi u galo.




