Qaxootiga Somalida kenya oo Maxkamadda dalkas ay go’aan ka qaadatay.

0
651

Qaxootiga-KenyaNairobi:- iyadoo si weyn loo sugayay go’aanada ay dowladda Kenya ka qaadan doonto qaxootiga somalida ah ee ku jira xeryaha dalka Kenya ayaa waxaa arrintaasi go’aan rasmi ah kasoo saartay maxkamada dowladda Kenya.
Ambassador Max’ed Ali Nuur Ameriko oo ah danjiraha dowlada Somalia u jooga Kenya Oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa shacabka somalida u sheegay inay is dejiyaan kuna sabraan go’aamada Kenya ay soo saartay.
Safiirku waxa uu tilmaamay in maxkamadda Kenya go’aanka ay qaadatay uu yahay mid dan ugu jirto dhamaan qaxootiga somalida ee ku nool magaalooyinka waaweyn iyo xeryaha kala duwan ee dalka Kenya.
Waxana uu tilmaamay in maxkamaddu ay u ogolaatay in dadka aan si khasab ah looga Saarin magaalooyinka waaweyn iyo xeryaha dalka Kenya , balse qofkasta uu xor u yahay Inuu ku noolaado Kenya, haddii uu doonayo in uu ka boxo xerada ama magaalo kale oo Kenya ku taalla waxa uu sheegay in maxkamadu ay sheegtay in loo dajin doono qorshe uu ku gaadho dalkiisa Somalia .
“ Maxkamaddu waxay go’aamisay in qaxootiga somalida aan si khasab ah looga saari doonin dalka Kenya ,balse qofkastaba uu ku noolaan karo magaalooyinka ama xerada uu Joogo, haddii qofku u baahdo inuu ka boxo dalka waxaa loo dejin doonaa qorshe uu ku gaadho dalkiisa Somalia” Sidaas waxaa yiri max’ed Americo.
Xaaladdu si ay ahaataba , go’aanka ay gaadhay maxkamadda Kenya ayaa noqday go’aan hor dhac oo kasoo hormaray shir la doonayo in looga hadlo qaabka ugu wanaagsan ee dib u dejin loogu samayn karo qaxootiga somalida ee Kenya jooga, shirkaas oo la filayo inuu dhoco bilaha soo socda.