Madaxda Ugu Sareysa Dalka Oo Rajo Xumo Ka Muujiyey Amaanka Magaalada Muqdisho.

0
575

Mudane Xasan Sheekh Max’uud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka
hadlay xaaladaha ammaanka
Magaalada Muqdisho oo waayahan dambe sii xumaatay isagoona qiray inay
jirto amnidaro ka taagan
Magaalada Muqdisho Gudaheeda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu
ka sheegey sida ammaanka
Magaalada Muqdisho uu faraha
uga sii baxay,wuxuuna Xusay in qaabka hada dadka loo dilo ay
tahay qaraxmiino oo meel lagu
aaso,gaari qarax lagu soo xiray
oo xarumo lagu weeraro iyo qof
isa soo miidaamiyay oo meel isku
qarxiyay,intaasi oo dhan ayuu
sheegay in hubka tirada badan
ee ciidanka Dowladda ay
haystaan aysan waxba ka Qabankarin.

Sidoo Kale Madaxweynaha
Soomaaliya Wuxuu
sheekay ammaanka
Magaalada sida uu u
xumaaday,hadana wuxuu qiray inay jirto liidasho
ciidanka Dowladda ah,maadaama
aysan haysan qalab ay ku baaraan gaadiidka
dhibaatooyinka wada ee qaraxyada geysta.

Waxa Uu Kaloo Madaxweynaha
sheegay inay jiraan bambooyin
iyo miinooyin qaraxyo ah oo ka
dhaca Magaalada Muqdisho ayna
ka dambeeyaan dhalinyaro yar
yar oo lacag yar lasoo siiyay ujeedada laga leeyahayna ay
tahay kaliya In warbaahintana laga
sheego Qarax Inuu Dhacay.

Mr.Gur Guurte Ayaa Wuxuu sheegay in Dowladda ay
hayso xogo badan oo ku aadan
gaadiidka isku qarxiya
Magaalada Muqdisho balse
su’aasha ay tahay in Magaalo ay
ku nool yihiin labo milyan oo qof
ay adag tahay hal baabuur oo
qarax wado in laga
dhexraadiyo,iyadoo ay jirto
qalabyari haysato ciidanka
Dowladda Somalia.

Mudane Xasan Ayaa Ku Sheegay Rajada jirta inay tahay
ammaanka Magaalada Muqdisho
oo hagaaga,maadama
isgoysyada Magaalada Muqdisho
oo dhan la dhigay ciidamo badan
oo ammaanka qaabilsa.

Madaxda Dowladda
Soomaaliya ay qiraan habaca
dhanka ammaanka ah ee ka jira
dalka waxa ay timid kadib markii
dhawaan guri ay dagan yihiin
shaqaalo Turkish ah weerar lagu
qaaday,ayna kasii horeysay
weerarkii Xarunta UNDP lagu
qaaday Taasina Ay Beesha caalamkana Dowladda
dhaliilo ay kala kulantay.