Ciidamada milateriga dowlada Somalia ee gobolka Sh/dhexe ayaa gacanta ku soo dhigay nin la sheegay inuu walaalkiis ka yar ku dilay degaanka Gololey ee oo qiyaastii 25km galbeed kaga toosan magaalada Jowhar.
Wararku waxay sheegayaan in ciidamada dowlada xiligii ay ninkaas soo qabanayeen uu isku diyaarinayey inuu ka baxsado degaanka uu ku dilay walaalkiis ee Gololey.
Saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegay in ninkaas gacan dhiiglaha ah ay haatan ku soo xireen saldhiga Booliska magaalada Jowhar ayna marin doonaan ciqaabta sharcigu ka qabo dembiga uu galay.
Ninkan la soo xiray oo dilka walaalkiis u adeegsaday toorey uu dhowr meelood kaga dhuftay ayaa keentay inuu isla goobtaas ugu geeriyoodo dhaawacyadii ka soo gaaray.
Dadka degaanka Gololey ayaa sheegay in labada nin ay in muddo ah ku muransanayeen dhaxal uu uga geeriyooday aabahood oo uu si gaar ah ugu takri fali jiray ninka wax la dilay, arintaasoo keentay inuu ka dhiidhiyo walaalkiis ka yaraa oo doonayey in la siiyo xaqa uu ku lahaa xoolaha dhaxalka ah ee uu aabahood ka geeriyooday.




