Dowladda iyo AL Shabab oo Dagaal uu ku dhexmaray Bali Doogle.

0
565

Dagaalo ayaa xalay fiidnimadii ka dhacay nawaaxiga garoonka dayuuradaha Bali-doogle oo ku yaala duleedka degmada Wanle-weyn ee gobolka Sh/hoose kaasoo dhexmaray ciidamada dowlada iyo xoogaga Al-Shabaab.
Sarkaal ka tirsan ciidamada dowlada ee halkaas ku sugan oo magaciisa la yiraahdo Capt. Maxamed C/llaahi Caraaye ayaa sheegay in dagaalkaas uu bilowday markii xoogag taabacsan Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen fariisin ciidamada dowladu ku leeyihiin degaanka Bali-doogle.
“Weerarku ma aheyn mid xoogan, waxaa soo qaaday shaqsiyaad kooban oo naf la caari ah, waana iska caabinay, wax khasaare ah oo naga soo gaaray ma jiro, hase ahaatee waxay goobta uga carareen kooxihii nabadiidka ahaa meydka labo nin oo laga dilay” ayuu intaa ku daray sarkaalkan.
Capt. Maxamed C/llaahi Caraaye ayaa sheegay in dagaalkaas uusan socon wax ka badan 20 daqiiqadood kooxaha soo qaadayna aysan aheyn kuwo awood badan hase ahaatee ay doonayeen oo kaliya iney wax arbushaan.
Goob joogayaal ka mid ah dadweynaha ku nool nawaaxiga garoonka dayuuradaha Bali-doogle ayaa sheegaya iney maqlayeen daryanka rasaas aad xoogan iyo qaraxyo ka dhashay madaafiic la isweydaarsanayey.
Xaalada Goobihii lagu dagaalamay ee nawaaxiga Bali-doogle ayaa saaka degan mana jiraan warar madax banaan oo sheegaya sida ay halkaas wax uga dhaceen, iyadoo Al-Shabaabna aysan war ka soo saarin dagaalka, hase ahaatee waxaa uu ku soo aadayaa xili ay ku hanjabeen iney xoojin doonaan dagaalada bisha Barakeysan ee Ramadaan.