Wafdi Uu Hogaaminayay Madaxweyne Shariifka Soomaaliya Oo Gaaray Dalka Gani Oo Uu Ka Furmi Doono Shirka Hogaamiyayaasha Qaarada Madow

0
604

Wararka Soomaaliya

Shirkaani oo lagu wado barito in uu ka furmo dalka Gani ayaa waxaa ka qeyb galaya hogaamiyeyaal Afrikaan ah oo ka amar qaata dowladaha reer Galbeedka waxaana shirkaasi lagaga hadalayaa arimo quseeya dalalka Soomaaliya, Libiya iyo dalal kale oo ka tirsan qaarada Afrika

Shariif ayaa socdaalkiisa waxaak u wehliya xubno ka tirsan TFG-da uu ka mid yahay C/kariin Xasan Jaamac oo ku hungobay in uu noqdo R/wasaaraha TFG-da waxaana lagu wadaa xubnahaan uu hogaaminayo Madaxweyne Shariifka Soomaaliya in shirkaasi ay ka qeybgalaan iyadoona lagu wado in halkaasi hadal uu ka jeediyo Shariifka TFG-da hogaamiyo

Kulamada ay yeesheen Madaxda Qaarada Madow ayaana jirin wax buuran oo ka soo baxo waxayna dhamaan u adeegaan reer galbeedka iyagoona ka shaqeeya danaha ay leeyihiin dowladaha hormaray sida Mareekanka

 

Mogadishu Somalia

Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)

Mogadishu Office

+25-26-15514953/+25-2699-995641

(

 

info@warsom.com & webmaster@warsom.com)