Madaxii Garsoorka Baladweyne oo u geeriyooday dhaawac weerar lagu qaaday ka soo gaaray.

0
676

BaladweyneWaxaa dhaawac soo gaaray Isbitaalka Magaalada B/weyne ugu geeriyooday Madaxii Garsoorka Maxkamadda Degmada Macallin Xasan Cilmi Ciyoow kaasi oo xalay kooxo ku hubeysna Bastooladu ay ku dhaawaceen Xaafadda Irid Aamin ee Magaalada B/weyne.

Qaar ka mid ah Ehellada Marxuumka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay geerida Macallin Xasan Cilmi Ciyow.

Sarkaalka la dilay ayaa waxa uu horay uga tirsanaa Ururka Ahlusunna Waljamaaca isagoo ka soo qeyb qaatay dagaallo ka dhacay Gobolka Hiiraan ee lala galay Ururka Al Shabaab, waxaana uu ka mid ahaa Maamulka Cusub ee Gobolka Hiiraan.

Si kastaba Macallin Xasan ayaa noqonaya Masuulkii ugu horeeyay ee ka tirsan Maamulka cusub ee Gobolka Hiiraan ee lagu dilo Magaalada B/weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.