Maxkamada Gobolka Hiiraan Ee Mujaahidiinta Al Shabaab Oo Xukun Xad Ah Maanta Ku Riday Burcad Wadada Laga Soo Qabtay

0
695

Waraka Soomaaliya

Xukunkaani ayaa maanta waxaa fuliyay qaadiga Maxkamada ku dhaqanka shareecada Islaamka ee gobolka Hiiraan waxaana ninkaani lagu soo qabtay isagoo ku guda jira falal burcadnimo ah oo u geysanayay dadka rayidka ah ee ku dhaqan gobolka Hiiraan

Waxaana shaqsigaan maanta Maxkamada la horkeenay lagu xukamay xukunka tuugnimada ee Shareecada Islaamka waxaana xukunkaasi riday qaadiga Maxkamada oo soo daliil sanayay Aayado quraanka Kariimka ah iyo Axaadiistii laga soo wariyay Nabigeena Muxammada (SCW) waxayna Maxakamu ay ku riday in gacan iyo lug is dhaaf ah laga jaro eedeesanihii burcadka ahaa kaas oo Maxkamado ay ku fulisay ka dib xukunkii lagu riday

Xillaagaa ayaa waxaa daawanayay burcadkii xukunka lagu fulinayay boqolaal dadweyne ah oo ka mid ah kuwa ku dhaqan Magaalada B/weyne

Ma ahan markii ugu horeysay oo xukun ceynkaano kala ah lagu fuliyo burcad dhibaato ku heysay dadka ku dhaqan gobolka

 

Mogadishu Somalia

Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)

Mogadishu Office

+25-26-15514953/+25-2699-995641

(

 

info@warsom.com & webmaster@warsom.com)