Iyadoo maalmihii u dambeeyey uu sii xumaanayey amaanka magaalada Muqdisho ayaa waxaa xalay mar kale ka dhacay qeybo kala gedisan oo magaalada ka mid ah dilal iyo qaraxyo khasaare nafeed geystay.
Weerarka hore ayaa ka dhacay agagaarka isbitaalka SOS shalay casar-gaabkii markii kooxo bastoolado ku hubeysan ay toogasho ku dileen askari ka tirsanaa ciidamada dowlada Somalia.
Sidoo kale askari kael oo la sheegay inuu ka tirsana Nabad sugidda ayaa isna lagu dillay hareeraha suuqa bakaaraha.




