Kismaayo oo qarax qasaaro gaystay lala bartil maameedsaday Gaari Axmed Madoobe leeyahay.

0
553

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in maanta qarax lala beegsaday gaari uu lahaa Axmed Madoobe kaas oo qasaaro ka dhashay.
Gaarigaan ayaa la sheegay markii uu qaraxa qabsaday in uu bur buray isla markaaska ay geeriyoodeen raggii saarnaa.
Goobjoogayaal ku sugan Kismaayo ayaa sheegay in gaarigaas ay saarnaayeen saraakiil ka tirsan Maamulka Axmed Madoobe ee ka taliya Kismaayo.
Si kastaba qaraxyada iyo dilalka ayaa caadi ka noqday Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.