Wararka ka imaanaya magaalooyinka Galkacyo iyo Qardho ayaa sheegaya in halkaas ay ka dhaceen shaqaaqooyin qasaaro gaystay kuwaas oo looga soo horjeeday cod bixinta lagu waday inay ka dhacdo Puntland bartamaha bishan.
Magaalada Qardho ayaa lagu dillay ilaa saddex askari halka ay ku dhinteen labo qof oo rayid ah kadib iska hor imaad lagu diidan yahay sanduuqyada cod bixinta oo magaaladaas la geeyay ay isaga hor yimaadeen ciidamada Puntland iyo maleeshiyaad deegaanka.
Gaalkacyo ayaa iyana la sheegaya in la gubay sanduuqyadii codeynta deeganada Puntland iyadoo degmada Goldogob sidoo kale la gubay.
Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in dib loo dhigay codeynta oo 15-ka July ka dhici lahayd deegaanada Puntland isla markaasna la xisaabtami doonno wixii ka dhacay halkaas.
“Mas’uuliyadda naga saran shacabka iyo dalka,markaan aragnta qaswadayaal doonaya inay bur buriyaan dalka markaan aragnay in dad diidan nabadda Puntland ayaa waxaa go’aansanay inaan dib u dhigno Doorashooyinkii dhici lahaa 15-ka July ayuu yiri C/raxmaan Faroole.
Si kastaba Puntland ayaa u muuqata mid lugaha la gashay fowdo oo aysan ka dhici Karin doorashooyinkii maamul goboleedyada Puntland.




